dinarattigheter.se

Sidaan ayaad xiriir ku heli kartaa

Halkaan ayaad la soo xiriiri kartaa haddii xuquuqdaada lagu xad-gudbo

Här drivs projektet idag

sidaan u qari booqashadaada

sababta aan u leenahay badhank ka baxsi waxa weeye waxaa jira dad dareemaya handadaad iyo in la ilaalinayo oo ddonaya in ay sir u ahaadaan bogagga internetka ee ya booqdeen. Xuquuqahaaga waxay rabtaa in kulli aamin la dareemo, sidaas darteed ayaan ugu tala galnay hab degdeg oo boggeena looga bixi karo haddii loo baahdo.

Panikknappen/Badhanka ka baxsiga

Kani wuxuu dhaqso kuu geynayaa bog cusub, haddii aad handadaad dareemayso, laakiin badhankaani ma tirtiraya warbixin ku kaydsantay kumbiyuutarka, si aad u tirtirto ”raadka”( historikan) meelihii aad booqatay waa in aad ka nadiifisaa warbixinta, kaas oo qaadnaya labadoo gujis oo kaliya. Samee middaan markii aad aamin dareemayso. Markii aad xaalad ciriiri ah gasho waxaa wanaagsan in aad koow isticmaasho badhanka ka baxsiga.

Ka nadiifi raadka Internet Explorer

Ka nadiifi wax kasta. Si looga nadiifiyo macluumaad kasta oo shaksi kumbiyuutarka, guji/riix verktyg (qalab). Dooro. Ta bort webbhistorik. Haddii la rabo in in raad walba la tirtiro markii qadka internetka la galay waxaa la doortaa Ta bort allt (kulli tirtir). Ogsoonaw in aad markaas wax walba tirtiratsid oo aadan warbixintii aad tirtirtay soo ceshan karin.

In la doorto wixii la rabo in laga nadiifinayo. Haddii la rabo in la doorto waxa tirtirmaya waxaa la gujiyaa shanta badhan ee ka koreeya Ta bort allt. Halkaan ayaad ka tirtiri kartaa faylasha ku meel gaarka ah (temporära filer), cookies, bogagga horay loo booqday (tidigare besökta sajter), macluumaadka foomamka (formulärdata) iyo erayada sirta ah (lösenord). Marka waxaa la doortaa wixii la tirtirayo iyo wixii la reebanayo.

Weligaa ha kaydsan. Si uuna waligiis u kaydsamin wax warbixin ah markii internetka lagu jiro waxaa la gujiyaa eryadaan soo socga sida ya isgu xig-xigaan Verktyg, Internetalternativ, Allmänt, dooro Inaställningar. Ku qor 0 meesha u hoosaysa. Si aadan u kaydsan erayga sirta ah, adareesyada bogagga, dooro sidaan ay isgu xigaan, Verktyg, Internetalternativ, Innehåll, komplettera automatiskt, Inställningar ka dibna ka qaad astaanta saxda oo kale ah ee qoysyada ku jirta.

Ka nadiifi raadka Firefox

Wax kasta ka nadifi. Si looga nadiifiyo macluumaad kasta oo shaksi kumbiyuutarka, guji/riix verktyg. Dooro meesha ay ku taal rensa ut känsliga data (macluumaadka xasaasiga ah ka nadiifi). Halkaan waxaad istalaab ku dhufanaysaa qaanad kasta, markaasna dooranaysaa rensa nu (hadda nadiifi) ). Ogsoonaw in aad markaas wax walba tirtiratsid oo aadan warbixintii aad tirtirtay soo ceshan karin.

In la kala doorto wixii la rabo in laga nadiifiyo. Haddii la rabo in la doorto wixii la rabo in tirtiro waxaa la calaameeyaa qaanadaha afar geska ah ee istalaabta la mariyo. Waxaa la dooran karaa in laga nadiifiyo Webläsarhistoriken(raadka boggaga aad booqatay), Filhämtningshistoriken(raadka faylalka la soo qaatay), sparade formulärdata (macluumaadka foomamka ee kaydsamay), cache-filer (meel kumbiyuuta ku kaydiya si ku meel gaar ah faylalka aad internetka ka furtay), cookies, lösenord, autentiserade sessioner(koontarool aqoonsiga aad sheegatay markii aad borogaraam furto), marka waa la kala dooran karaa wixi i la rabo in la reebto.

Weligaa ha kaydsan. Si uuna waligiis u kaydsamin wax warbixin ah markii internetka lagu jiro waxaa la gujiyaa eryadaan soo socga sida ay isgu xig-xigaan Verktyg, Inställningar, Sekretess(qalab, ku toosin, sir), halkaan ayaa hangoolada(calaamada saxda oo kale ah) laga qaadi karaa qaanadaha ku hoos yaal Historik. Haddii aan la rabin in uu borogaraamku xusuusnaado gelitaanka internetka. Waxaa la calaamayn karaa qaanadda ay ku taal Rensa alltid ut känslig data när Firefox avslutas (ka nadiifi mar kasta macluumaadka xasaasiga ah markii Firefox la xiro).

Ka nadiifi raadka Safari

Wax kasta ka nadifi. Si looga nadiifiyo macluumaad kasta oo shaksi kumbiyuutarka waxaad gujisaa Historik. Haddii la rabo in raad kasta oo sheegaya in internetka aad gashay waxaa la doortaa Rensa hitorik. Ogsoonaw in aad markaas wax walba tirtiratsid oo aadan warbixintii aad tirtirtay soo ceshan karin.

In la doorto wixii la rabo in laga nadiifinayo. Haddii la rabo in la doorto wixii la rabo in la tirtiro waxaa la gujiyaa Visa all historik. Halkaas ayaana laga doortaa wixii la rabo in la reebto iyo wixii la tirtirayo.

Brandvägg/xinnibaad

Haddii uu kuugu jiro borograamka xinnibiddu (brandvägg) sida guriga, iskuulka, shaqada kaasi wuxuu kaydin karaa bogaggii la booqday. Kaasi wuxuu kaloo lahaan karaa wax la yiraahdo koontaroolka waalidka oo samaynaya in bogagga qaarkood xannibaad la saaro oo aan la geli karin. Si markaas oo kale aan loo kashifin waxaa la isticmaali karaa adeeg khaas oo qarinaya qofka isticmaalaya internetka. Adeegyadaas waxaa laga helaa internetka, badanaana waa kuwo lacag jooga.

InPrivate-surfning

Haddii la isticmaalo InPrivate-surfning waxaad internetka geli kartaa adigoo aan wax raad ah ku reebin. Si loo hawlgeliya waxaa la riixaa Ctrl+Skift+P. Ama waxaa la sameeyaa mid ka mid ah siyaalaha soo socda.

Si looga hawlgeliya InPrivate-surfning Internet Explorer:

Guji badhanka säkerhet ka dibna kan InPrivate-surfning.

Fur qaanad cusub oo guji öppna ett fönster med InPrivate-surfning ee geeska qaanadda cusub.

Si looga hawlgeliyo InPrivate-surfning Firefox

Riix badhanka Verktyg ka dibna Starta private-surfning.

xiriiro muhiim ah

SOS Alarm 112

BRIS 116 111
www.bris.se

Polisen 114 14
www.polisen.se

Rädda Barnen
www.rb.se

Ungdomsmottagningen
www.umo.se

Kvinnofridlinjen 020-50 50 50

Hur kan jag hjälpa?

Vill du vara med och hjälpa utsatta tjejer och killar?

Läs mer om vad du kan göra