Side baan caawinaad ku heli karaa?
Waa muhiim in uu qofku ogaado xuquuqihiisa oo la ogaado in qofka dambi laga galay haddii xaquuqdiisa laga qaado. Xattaa haddii aadan aqoon xaquuqdaadaa haddana marna adigu qaladka is kama lihid haddii qof kale ku xad-gudbo adiga iyo xaquuqdaada.
Hase ahaatee waxay kuu sahlaysaa in aad ka doonato xuquudaada tusaale ahaan hay’adaha, markii aad ogtahay in aad xaq u leedahay caawinaad! Waxaa kale oo muhiim ah in la yaqaan mesha lala xiriirayo si caawinaad loo helo. Waa caadi in laga cabsado in caawinaad la weydiisto booliska ama xafiiska adeegga bulshada, maaddaama aan la ogayn wixii dhici doona waxaana loo maleeyaa in ayna fahmi Karin ama wax weyn ka fahamsanay borobaleemka qofka haystaa wuxuu ka dhigan yahay. Dhinac haddii laga fiiriyo waa sax oo booliska iyo xafiiska edeegga bulshadu aqoon fiican uma lahayn sida loola shaqeeyo su’aalaha quseeya xood u sheegadka sharafta ku salayasan iyo xuquuqda dhallinyarda, laakiin hadaf ka mid ah mashruucaan jacayl ayay qusaysaa (det handlar om kärlek) ayaa wuxuu yahay in la kordhiyo fahamka iyo aqoonta bulshada ee darjooyin kala duwan.