Ma ka cabsaanysaa in qof lagugu daro?
Haddii qofka lagu cadaadiyo in uu guursado asagoo aan raali ka ahayn, sida ayadaa la garaaco, handado, qasbo ama meel lagu xiro, xaaladduna ay meel xun taagan tahay waxaa la wici karaa booliska lambarka 112. Haddii ayna ahayn wax in degdeg wax looga qabto u baahan waxaa la wici karaa 114 14 si booliska loola xiriiro.
Ha ka shakin in aad caawinaad raadsato
Markii waddanka debaddiisa la joogo waxaa la soo wacaa +46 77 114 14. Waxaa kaloo lala xiriiri karaaa xafiiska edeegga bulshada (socialtjänsten) ee degmada. Markii uu xafiiska adeegga bulshadu xiran yahay sida habeenadii iyo maalmaha aan la shaqayn oo kale waxaa lala xiriiri karaa adeegga bulshada ee heeganka leh (socialjouren). Lambarka xafiiska adeegga bulshada iyo adeegga bulshada ee heeganka leh waxaa laga heli karaa bogga internetka ee degmada ama warbixinta lambarada sida 118 118 ama 118 100.
Haddii uu shaki kugu jiro wac heeganada mid ka mid ah
Haddii aadan rabin in aad horay uga tagto booliska ama xafiiska adeegga bulshada waxaad la xariiri kartaa ururada tabaruca ku shaqeeya ama qolooyinka hawlaha heeganka leh ee qibradda u leh in ay la shaqeeyaan dhallinyarada qatarta ugu jira in guur ayna raalli ka hayn lagu qasbo. Waxaa jiro hawlo ku wajahan gabdhaha, wiilasha iyo kuwa aan jinsina raacsanayn. Waa la dooran karaa in mayl loo diro, la waco ama la booqdo ururkaas. Looma baana in magaca la sheego ama meesha la deggen yahay haddii aan la rabin. Urur tabaruc ku shaqeeya wuxuu ku caawini karaa sii gudbis iyo in uu u macneeyo xuquuqaha la leeyahay iyo waxa ay booliska iyo xafiiska adeegga bulshadu qaban karaan si ay qofkaas u caawinaan. Waxay kaloo u raaci karaan booliska ama xafiiska adeegga bulshada.
Talo weydiiso saaxiibbada dhexdooda iyo iskuulka
Waxaa kaloo lala hadli karaa qof lagu kalsoon yahay, qofkaas oo la weydiisan karo talo, taageero iyo caawinaad xiriiro kale haddii loo baahdo. Wuxuu noqon karaa dhakhtar, saaxiib, waalid, la taliye arrimo bulsho oo iskuulka jooga ama shaqaale ka shaqeeya qaabilaadda dhallinyarada. Haddii ay suurogal tahay waxaa la isku dayi karaa in lala hadlo waalidka ama qaraabo kale oo loo macneeyo sida la dareemayo la iskuna dayaa in laga dhaadhiciyo in ay dib u dhigaan.
Waxaad intaas wax ka dheeraad ah ka aqrisan kartaa
Bogga dawladda ee su’aalaha iyo jawaabaha ku saabsan guurka qasabka ah boggaasi wuxuu ka kooban yahay luuqad kasta. FIIRO GAAR AH! Halkaani ma laha badhanka ka baxsiga ee bogga dhaqsaha looga bixi karo.
Waxaad kaloo lacag la’aan ku dalban kartaa qoraal warbixin ah oo la yiraahdo ”qofkaan rabo ma guursan karaa?” wuxuuna ku qoran yahay luuqado kala duwan raac isku xiraha: Ma guursan karaa qofkaan rabo (får jag gifta mig med vem jag vill?) FIIRO GAAR AH! Waxaa furmaya fayl pdf ah mana laha halkaani badhanka ka baxsiga ee bogga/faylka degdegta looga bixi karo.