Xuquuqaha aad leedahay
Xaq ayaad u leedahay in aad adigu doorato noloshaada! Qof kale oo go’aan ka gaari karaa ma jiro cidda aad jeclaanayso iyo sida aad noloshaada u noolaanayso. Xuquuqdaadu waxay ku saabsan tahay waxa aad adigu u baahan tahay, ee kuma saabsana midda qoyskaaga ama qaraabadaada.
Xaq ayaad u leedahay in aad doorato kaad jeclaanaysid iyo qofka aad galmo la samaynaysid- jinsiguu rabo ha ahaado! Xaq ayaad u leedahay in aannan xad gudub lagugu samayn iyo xaq ah in aad yeelato aragtida aad rabto, u fakarto sida aad rabto, u ekaato sida aad rabto oo aad dareento sidii aad adigu rabto. Jirkaaga iyo dareenkaaga caashaga adiga ayaa iska leh cid kalena xaq uma leh in ay ku taabsato adiga oo aan raalli ka ahayn.
Adigu haddii aad ka yartahay 18 sano, taasi waxay macnaheedu noqonaysaa in ay dadka masuuliyaddaada sharci leh (cidda masuulka kaa ah badanaana waa waalidka) aysan kuu goyn karin sida aad dareemayso iyo sida aad u fakarayso, ama in aadan marna helin waqti firaaqo ah oo aad asxaabtaada kula baashaasho.Waa lagama maarmaan in waalidku kuu qabtaan waqti macquul ah oo aad guriga timaaddo habeenkii, in casharka laga shaqeeyo iyo in ayna dadka oo dhani u qalmin in habeenkii oo dhan debadda lala wareego.Teeda kale waxay dhammaan carruurta iyo da’yartu xaq u leeyihiin ammaan qabid iyo horumar.Taasna waxaa lagu helaa kalsooni, jacayl, waxbarasho, xaq la kulan bulsheed, aaditaan shaleemo, aaditaan meelaha laga qaxweeyo, ciyaaridda banooniga/kubbadda cagta barashada dabaasha iwm.
Waxaan ognahay oo ah wax laga xumaado in ay jiraan carruur iyo da’yar badan oo aan xaq u helin oo aan loo oggolayn in ay ayagu goostaan aragtiddoda, dareenkooda iyo sida ay rabaan in ay u noolaadaan. Qaar badan ayaa waxay dareemaan in ayna sharciyadu si sax ah ayaga ama qoysaskooda u qusayn. Qaar badan waxay dareemaan in ayna mushtamacaba u muuqan kuna noolyihiin laba duni oo kala duwan oo ay ka jiraan xeerar kala duwan markii ay noqoto sida loo dhaqmayo, waxaa laga yaabaa in uu jacayl ku soo wajahay oo aad jirkoo dhan ka dareemayso, laakiin aad ogtahay in aadan weligaa sheegi karin. Waxaa laga yaabaa in aad tahay gabar da’ yar oo aadan saaxiibadaa la kulmi karin iskuulka ka dib, maaddaama ay leedahay wiil walaalo ah ama waxaa dhici karta in aad ka ceebsato waalidkaa maaddaama ay isticmaalaan waxyaalaha maanka dooriya. Waan ognaha in aad jirtaan! Anagoo badan oo ka shaqayna ururo iyo hay’ado ayaa waxaan ka shaqaynaa in aan xaaladdiina wax ka beddelno. Xeerarka quseeya carruuratu waxay quseeyaan carruurta oo DHAN. Marka macne kuma fadhido in aad deggen tahay Malmö ama Haparanda ama haddii aad xattaa deggen tahay waddan kale.
Qaybtaan bogga internetku wuxuu ka hadlayaa xuquuqdaad bini’aadanimo. Waxayna ku qoran yihiin dukumenti (qoraal) caalami ah, kaas oo ay waddamo aad u fara badani saxiixeen.Waa ay adkaan kartaa in la fahmo sida ay isgu xiran yihiin xuquuqaha bini’aaadmaku, ama kuwa loo isticmaalo sidii sharci oo kale. Boggaan waxaad ka akhrisan kartaa xuquuqaha aad leedahay. Waxaad kaloo weydiin kartaa macallin ama qof weyn oo kale oo aad ku kalsoon tahay.