dinarattigheter.se

Sidaan ayaad xiriir ku heli kartaa

Halkaan ayaad la soo xiriiri kartaa haddii xuquuqdaada lagu xad-gudbo

Maxay tahay cadaadis iyo xoog u sheegasho sharaf ku salaysan?

Ma u noolaan kartaa sidii aad rabto?  Ma xaddidaan xeerka qoyskaagu/qaraabadaadu waxa aad xiranaysid, cidda aad la kulmaysid, maaddooyinka aad ka qayb qaadanaysid iskuulka, cidda aad guursanaysid? Ma ku ilaaliyaa qof qaraabadaada ahi? Ma lagu ciqaabaa haddii aad jabiso nidaam xeereed uu qoysku leeyahay? Ma dareentaa in aanay sharciyada Iswiidhaan mar kasta ku quasayn adiga iyo xaaladdaada nololeed?

Qofkii loo gesyto waxyaalahaas mid ka mid ah wuxuu noqon karaa qof loo geysto wax la yiraahdo cadaadis iyo xoog u sheegad sharaf ku salaysan. Qaabab kala duwan ayay lahaan karaan xeerarka ay tahay in la raaco, ciqaabiduna waa kala duwanaan kartaa. Waxaa muhiim ah in la ogaado in ayna macne ku fidhin sababaha keenay xood u sheegadka iyo meel uga dhaca. Wax difaac u noqonaya marna ma jiraan markii carruurta iyo da’yarta xuquuqdooda lagu xad gudbo! Nolol ka madax bannaan cadaadis xood u sheegad waa su’aal xuquuqeed. Midda muhiimka ahi ma aha wixii aan ugu yeerno, ee waa in aad adiga da’yarta ahi aad xaq u leedahay nolol ka madax bannaan cadaadis iyo xoog u sheegad IYO in aad adigu is leedahay iyo musaqbilkaaga.

“Marmar waxaan is weydiiyaa in ay aniga wax iga qaldan yihiin-haddii qaraabadii oo dhani ay saas qabaan marka waxaa laga yaabaa in ay saas tahay. Xaqiiqa ahaan ma u dhici kartaa in 40-50 qof ay qaldan yihiin?”

Waxaa tiri gabar 18 jir ah.

Maya adiga waxba kaama qaldana. Waxa qaldani waa qaraabada isku duuban oo raacaya dhaqamo iyo qaanuun ka soo horjeeda sharciyada iyo xuquuqdaada bini’aadanimo. Koontoroolka gabadha bigronimadeeda (in ayna nin galmo la samayn) muhiim ayay ka tahay dhaqan sharafta la ilaaliyo, oo qoyska/qaraabada sharaftoodu waxay ku xiran tahay gabdhaha iyo dumarka sida ay u dhaqmaan markay noqoto arrimaha kalgacalka iyo galmada la xiriira. Gabadhu waa in ay bigro tahay marka la guursanayo, ayna sumcad ah leedahay in ay tahay gabar “fiican”.  Badanaa waxaa ku filan sumcad xun si ay qoska sharaftoodu u dhaawancto. Waxna kuma fadhido in ay waxaasi dhab ahaantii u dheceen, ee sumcad xumadaas lagu xanto ayaa waxay keeni kartaa in gabadha la ciqaabo. Si loo sugo in qoyska/qaraabada gabdhahooda iyo dumarkoodu ay yihiin kuwo “fiiacan” waxaa koontaroola kuwo kale oo qoyska ka mid ah iyo qaraabada. Waxay noqo kartaa koontorool nolol maalmeedkeeda iyo xaddidaad ah dharka ay gabadhu xiranayso iyo asxaabta ay la kulamayso iyo xaddidaad ah arrimo ka sii waaweyn sida waxbarashada ay dooranayso iyo guurka.

Waxaa la yiraahdaa waa xoog u sheegasho loogu geysnayo iskaashi. Waxay macnaheedu noqon kartaa in ay jiraan dhawr qof oo faldambiyeedkaas geysatay (kuwa geystay falka tusaale ahaan in qof oo wax lagu dhifto) ama in ay dad kale ogyihiin in ay jirto handadaad iyo xood u sheegad ayna waxba ka qaban. Waxaa jiro xeerar sheegaya sida loo dhaqmayo haddii aan la raacina waxay keenaysaa ciqaabid noocyo kala duwan ah.

Sawirka halkaan ka muuqda wuxuu tusayaa sida markii ay da’deedu sii korortaba u sii yaraanayso baaxadda nololeed oo ay haysato  gabadha ku nool qoys ku dhaqma nidaam sharafeed oo la raaco. Waxay xaddididu ku korortaa markii ay soo gaarto da’da baaluqa si loo koontaroolo dhaqankeeda xagga arrimaha taranka la xiriira.

In qofka xuquuqdiisa laga qaado aydoo la isticmaalayo cadaadis sharafeed wuxuu noqon karaa—

  • In aan loo labbisan Karin sidii la rabo-ama in lagu qasbo in la xirto shay dhar oo qofka rabitaakiisa ka soo horjeeda
  • In aan loo oggolaan bannaanka in la aado
  • In aan asxaabta lala kulmi Karin
  • In aana la guursan karin qofkii la rabo
  • In aan qofku u talin karin jirkiisa, noloshiisa ama dhaqankiisa xagga arrimaha taranka la xiriira
  • In markasta la ilaaliyo oo la koontaroolo
  • In aan waxbarashada la sii wadan karin, ama in wax laga baran karo magaalada qoysku deggen yahay oo kaliya.
  • In ay hoggaamiyaan kuwa qoyska/qaraabada ka mid ah ee ka awoodda badan asaga

Wiilasha iyo sharafta

Inkatoo wiilasha dhallinta yar la siiyo xorriyad iyo xuquuq ka weyn tan gabdhaha haddana waxaa lagu qasbaa in ay ku noolaadaan fakarka sharafeed. Marmar waa in ay koontaroolaan oo ciqaabaan gabdhaha walaalahood ah, kuwa waalidkood walaalahood dhaleen iyo hooyooyinkood xittaa haddii ayna ayagu rabin taas. Wiilasha xittaa waa lagu qasbaa in ay guurasadaan qof ayna rabin oo qoyska/qaraabadu u dooreen. Waana la takoori karaa ama xoog yaa loo sheegan karaa haddii uuna ahayn kuwo himmadda galmood u qaba jinsiga ka soo horjeeda. Ma rabtaa in aad wax intaas ka dheeraad ah ka akhrisato sharafta iyo jinsiyada himadda golmood u haya kuwa ay isku jinsiga yihiin u haya kuwa ay isku jinsiga yihiin waxaad ka heli kartaa halkaan. Wuxuu leeyahay badhanka ka baxsiga haddii aad rabto in aad bogga degdeg uga baxdo.

xiriiro muhiim ah

SOS Alarm 112

BRIS 116 111
www.bris.se

Polisen 114 14
www.polisen.se

Rädda Barnen
www.rb.se

Ungdomsmottagningen
www.umo.se

Kvinnofridlinjen 020-50 50 50

Hur kan jag hjälpa?

Vill du vara med och hjälpa utsatta tjejer och killar?

Läs mer om vad du kan göra